Midowga Musharaxiinta oo bogaadiyay go’aanka Ra’iisal Wasaaraha

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay shaqo joojinta uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay Warsaxaafadeed ku sheegeen in go’aanka Ra’iisal Wasaaraha ay u arkaan mid fure u ah inay cadaalad helaan qoyska Ikraan Tahliil Faarax, sidoo kalena ay bilow u tahay soo celinta sumcadda hay’adda.

Golaha ayaa sheegay in qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ee Fahad Yaasiin lagu faray inuu shaqadiisa sii wato ay u arkaan mid lagu carqaladeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ciidamada Qalabka Sida ugu baaqay inay fuliyaan amarka Ra’iisal Wasaaraha, kana fogaadaan ku milanka siyaasadda.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka inay gacan ka gaysteen, sidii qoyska Ikraan Tahliil ay ku heli lahaayeen cadaalad ay u baahan yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com