Ra’iisal Wasaare Rooble oo shaqada ka joojiyay Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, isagoona xilkaasi si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horey u xilkan u soo qabtay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Fahad Yaasiin lagu faray in muddo saddex cisho ah uu xilka ugu wareejiyo S/guud Bashiir Goobe.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida faray inuu baaritaan dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isla-markaana uu horgeeyo maxkamadda awoodda u leh.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Sabtidii Fahad Yaasiin ka dalbay in muddo 48 saac ah uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran, oo ku aaddan kiiska Ikraan Tahliil.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com