Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay Safiirada Midowga Yurub & Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee Midowga Yurub, Tiina Intelmann iyo Shiinaha, FEI Shengchao.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub, Tiina Intelmann ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa Somaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Intelmann ayaa ka wadahadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Somaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqaynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay si buuxda ula shaqayn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhankiisa, Danjiraha ee Dowladda Shiinaha, FEI Shengchao oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Xi Jinping ayaa soo bandhigay in uu si buuxda uga shaqayn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan iskaashiga, dheef wadaagga iyo is ixtiraamka qarannimo, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran.

Madaxweyne Farmaajo oo Danjiraha cusub ee Shiinaha ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab ee Somaliya iyo Shiinaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com