Puntland oo bogaadisay mowqifka Ra’iisal Wasaare Rooble

Puntland ayaa bogaadisay tallaabada uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay Taliyihii Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, xilli goor sii horeysayna ay Jubbaland taageertay go’aanka Ra’iisal Wasaaraha.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland bogaadinayso dadaalka Ra’iisal Wasaaraha ee la xiriira gun gaaridda kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Qoraalka ayaa u qornaa:-

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisal Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo Hoggaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisal Wasaarahu ugu jiro, sidii looga gun gaari lahaa xaaladda kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda dastuuriga ah.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisal Wasaaruhu shaqada kaga joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Somaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la ilaaliyo xasilloonida, midnimada iyo dowladnimada Somaliya, lana dhowro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.

DHAMMAAD.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com