Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida ee dalka, oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta hawlgalada la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka.
Geba-gabadii kulanka Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi.
“Waxaa uu Ra’iisal Wasaaruhu Taliye-yaashaasi uu la kulmay kala hadlay arrimaha sugidda amniga, guud ahaan dalka, amniga doorashooyinka iyo sidii guud ahaanba loola dagaalami lahaa argagixisada dhibaatada ku haysa dadka Soomaaliyeed, loona feejignaan lahaa, gaar ahaan xilliga kala guurka.” Ayuu yiri Macalimuu.
Macalimuu ayaa intaa ku daray “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxaa uu faray Taliye-yaasha in ay feejignaan xoog leh muujiyaan xilligan.”










Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com