Shir albaabada u xiran yihiin oo u socdo Madaxweynaha & R/wasaaraha

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxtooyada uu haatan kulan uga socdo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ay albaabada u xiran yihiin ayaa looga hadlaya shaqo ka joojintii iyo shaqo ku soo celintii ee Taliyihii Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka oo ka socdo Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa goobjoog ka ah Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka uu jewi qurux badan ugu socdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, si dhowna ay uga wadahadlayaan arrinta salka u ah khilaafkoodan.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayan in saacadaha soo socda ay suurtagal tahay in heshiis laga gaaro shaqo joojinta uu Ra’iisal Wasaaruhu ku sameeyay Taliyihii NISA, ee ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Tan iyo markii uu khilaafkoodan soo ifbaxay Isniintii shalay ayay dadku u dheg taagayeen waxa xiggi karay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com