Cabdullaahi Maxamed Nuur oo loo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Amniga, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’adaha aminga iyo howlaha baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha, Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com