Deni oo qaabilay wafdi ballaran oo ka socda Galmudug (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo ee qaybta Puntland ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda Galmudug.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, iyadoona labada dhinac ay ka wadahadleen hawlgalka Koonfurta Gobolka Mudug, ee Galmudug kula dagaalamayso maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulankooda ku tilmaamay mid ay isaga xog wareysanayeen xaaladda gobolka.

Qoraal uu Madaxweynuhu ku daabacay bartiisa Facebook ayaa u qornaa “Waxaan caawa kulan is xog wareysi ah la qaatay masuuliyiin ka socda Dowladda Galmudug, oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo Gudoomiyeyaasha Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Galmudug.

Waxaan uga mahadceliyay kaalintooda ku aaddan Is dhexgalka bulshada Gobolka Mudug, Iskaashiga Puntland iyo Galmudug iyo ka wadashaqeynta amniga Gobolka Mudug. Waxaana rajeynaya iskaashigaasi oo sii horumara inuu wax badan oo wanaag ah gobolka iyo guud ahaan Soomaaliyaba ku soo kordhinayo.”

Qoraal kale oo Madaxtooyada Puntland ka soo baxay ayaa lagu yiri “Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah, sida amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is xog wareysi iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan amniga oo si wanaagsan looga shaqeeyay.”

Puntland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday in Galmudug ka gacan siinayso la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Wasiirada Arrimaha iyo Maaliyadda ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Xasan Shire Cabdi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com