Farmaajo oo ka horyimid xil ka qaadista Wasiirkii Amniga

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo horjeestay tallaabada uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble xilka uga qaaday Wasiirkii Amniga Gudaha, Xasan Xundubey Jimcaale.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Amniga, sii loo dardargeliyo howlaha amniga dalka, tayeynta hay’adaha aminga iyo howlaha horyaalla xafiiskiisa.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Somaliya illaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirada, Wasiiru Dowleyaasha iyo Wasiir Kuxigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com