Madaxweyne Museveni “Ciidamadeena waan kala baxeynaa Muqdisho”

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadooda kala bixi doonaan Somaliya, haddii aan laga baaqsan khilaafka sii cuslaanaya ee u dhaxeeya Hoggaanka Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka daaleen is qabqabsiga siyaasadeed, ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Telefishinka France24 u sheegay, haddii aan la joojin khilaafka haatan dalka ka soo cusboonaaday, in markaasi ay ciidamadooda kala bixi doonaan Caasimadda Muqdisho.

Militariga Uganda oo qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) waa ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda Midowga Afrika ee dalka yimaada, kuwaa oo dalka cagta soo dhigay bishii March ee sanadkii 2007-dii, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu 21-kii bishii February ee sanadkaasi uu meelmariyay ogolaanshaha hawlgalkaasi.

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka jooggaan Somaliya, ciidamadeeda ayaana ku kala sugan Gobolada Banaadir iyo Shabellaha Hoose.

Hadalka Madaxweyne Museveni ayaa imaanaya, xilli askar ka tirsan Militariga Uganda ay ku socoto baaris la xiriirta dilka toddobo qof o rayid ahaa, oo 10-kii bishii hore ee August loogu gaystay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com