Madaxweyne Qoorqoor oo safar degdeg ah ku tagay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Magaalada Muqdisho u tagay khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa lagu tilmaamaa mid saaxiib dhow la ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ma cadda waxa Qoorqoor uu ka bedeli karo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Madaxda Qaranka, ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Axaddii ayay ahayd markii uu Qoorqoor dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib toddobaadyo uu ku sugnaa Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com