Wafdi ka socda Midowga Afrika oo dalka u yimid arrimaha doorashooyinka

Xubno ka mida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Guddiga, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika.

Wafdigan ayaa dalka u yimid arrimaha doorashooyinka ee dalka, si ay wax uga ogaadaan doorashada bilowga ah ee dalka ka bilaabatay.

Gudoomiye Cirro oo kulanka shir guddoominayay ayaa wafdiga la wadaagay warbixin la xiriirta doorashada.

Afhayeenka Guddiga, Madaxa Waaxda Xiriirka Caalamiga iyo Qoondada Haweenka ayaa ka mid ahaa Xubnihii Guddiga ee kulanka ka qaybgalay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com