Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha oo la dhaariyay (SAWIRRO)

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Arbacadii uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Caddaaladda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay Wasiirka cusub, iyadoona dhaarinta ay ka dhacday Xarunta Wasaaradda Amniga.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirka kula dardaarmay in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

“Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday, si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Wasiirkii Amniga Gudaha ee xilka laga qaaday Xasan Xundubey Jimcaale ayaa si adag uga soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com