Wasiirkii Amniga Gudaha ee xilka laga qaaday Xasan Xundubey Jimcaale ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Amniga, si loo dardargeliyo howlaha amniga dalka, tayeynta hay’adaha aminga iyo howlaha horyaalla xafiiskiisa.

Wasiir Xundubey oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa xil ka qaadista lagu sameeyay ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.
Wasiirka ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay inuu keligii iska qaatay, go’aan aanay jirin cid uu kala tashaday, isla-markaana uu dalka dib ugu celinayo waqtigii adkaa ee laga soo gudbay.
“Xilligan hadda lagu jiro maba ahan xilli xil ka qaadis, doorashadii ayaa bilaabatay, xilli xil la’iska qaado maahee waa xilli la rabay in la wada shaqeeyo, si xilka aan u gaarsiino dadkii maqnaa.” Ayuu yiri Wasiir Xundubey.
Waxa kaloo uu yiri “Aniga runtii waxaan u arkaa Ra’iisal Wasaaruhu wixii la’isku ogaa inuu ka baxay, wadankana dib qalalaase u gelinayo, aan loo baahneen, kalsoonidii, wada shaqayntii, niyad wanaaggii iyo inaan horey u soconana inuu burburiyay ayaan u arkaa, mana aqaano talada noocaas ah cidda kula talisay.”
Xundubey oo la hadlay VOA ayaa yiri “Maanta inuu keligiis go’aan iska gaaro, oo qalaalase dib loogu celiyo dalka, marna kuma raacsani, waxayna xumeynaysaa wada shaqayntii iyo geeddi-socodkii nabadda, wax sharciyana ma’aha runtii.”
Xundubey ayaa intaasi ku daray “Waxaan aad uga xumahay in Ra’iisal Wasaaruhu uu runtii dib u socodnimo wado, howl aan u aragnay in dib loo celiyay inuu hadda dib u bilaabayo, oo habeen walbaba uu qof cusubaa shaqada ka qaaday uu keenay, xilli shaqo la’iska qaaadana ma’aha, waa xilli loo baahan yahay in la gaarsiiyo ummadda Soomaaliyeed ciddii ay dooratay.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com