R/W Rooble oo ku adkeysanaya in la baaro kiiska Ikraan Tahliil

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii uu Axaddii Magaalada Muqdisho kula yeeshay wafdiga Qaramada Midoobey ka socday ee hoggaamineysay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Amina Mohamed iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa uu ku soo hadalqaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

“Maqnaanshaha Ikraan Tahliil, sida aad ogtihiin waa arrin ay aad u hadalhayaan guud ahaan dadka, waana masuuliyad si gaar ah xafiiskayga u taabanaysa, oo dabagalkeeduna yahay lagama maarmaan, waana inay meesha ka baxaan caqabadaha ka hor imaanaya inay cadaalad helaan qoyska Ikraan.” Ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa saaxiibada caalamka ee Somaliya uga mahadceliyay baaqoodii ahaa in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo kiiska gabadhan.

“Waxaan uga mahadcelinaya Beesha Caalamka, dalabkooda ku aaddan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo arrintan.” Ayuu yiri Rooble.

Amina Mohamed, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo wax laga weydiiyay kiiska Ikraan Tahliil ayaa sheegtay inay habboon tahay in loo hoggaansamo shuruucda dalka, lana helo cadaalad, oo sida ay sheegtay aasaas u ah ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Rooble ayaa gadaal ka riixaya in Hay’adaha Garsoorka ay baaritaan dhameystiran ku sameeyaan kiiska gabadhan, sharcigana la horkeeno kuwii ka masuulka ahaa dilka la sheegay in loo gaystay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com