Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Ururada Bulshada Rayidka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta qaabilay xubno ka socday Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xubnahan ka dhageystay talooyin ku aaddan, sidii doorashadu u noqon lahayd mid ku dhacda jewi nabdoon oo daahfuran.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa maalmihii ugu dambeysay walaac ka muujinayay in khilaafka Madaxda Qaranka uu saamayn ku yeesho hannaanka geeddi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com