Sh C/raxmaan Shariif “Kiiska Ikraan Tahliil waxaa laga soo minguuuriyay dilkii Jamal Khashoggi”

Sheekh C/raxmaan Shariif “Kiiska Ikraan Tahliil waxaa laga soo minguuuriyay dilkii Jamal Khashoggi”

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ee Waqooyiga America ayaa si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyadoo dhinaca kalena uu qoyskeeda ugu baaqay inaanay wax diyo ama mag ahi ka qaadan, kuwii dhibaatada u gaystay.

Muuqaal uu soo duubay Isniintan ayuu Sheekh Cabdiraxmaan Shariif ku sheegay in kiiska dilka ah ee Ikraan Tahliil uu u ekyahay dilkii Jamal Khashoggi ay Sirdoonka Sacuudigu ugu gaysteen Qunsiyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Magaalada Istanbul, 2-dii bishii October ee sanadkii 2018.

“Waxaad mooddaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax, Alle ha u naxariistee in uu meelo badan ka shabaho ninkii saxafiga ahaa ee Jamal Khashoggi la oran jiray ee Qunsiyaddii wadankiisa Sacuudiga uu lahaa, ee markii uu galay ugu war dambeysay, ka dibna markii la baaray oo la dabagalay la soo ogaaday isagoo inta la qalay oo la googooyay hilibkiisii, sida xoolihii hilibkiisa marba meel loo gooyay. Marka Ikraan Tahliil Faarax-na ciddii ugu dambeysay inay noqoto Hay’addii Sirdoonka ee u shaqeynaysay, raq iyo ruuxna la la’yahay, ayna u badan tahay wax laga soo minguuriyay qaabkaa foosha xun, oo ah qaabkii Jamal Khashoggi oo kale loo dilay gabadhaasi masaakiinta ah ee bulshadeeda u shaqeynaysay, xaqiiqatan waa wax layaab leh.” Ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan Shariif.

Sheekha ayaa yiri “Meeshaas waxaa igu soo dhaceysa arrin aan doonayo bulshada Soomaaliyeed inay si dhab ah u fiiriso. Haddii fekerka qaraxa wata ee keliya Muslimka ah ee dhibaatadaa aragtay inoo keenay aan ka soo minguurinay ama inooga yimid wadamada Khaliijka iyo fekerka Wahaabiga ah ee Sacuudiga inooga yimid, haddana haddii Hay’addaynii Sirdoonka ay ka soo minguuriyaan qofka sida loo ciqaabayo wadamadaas oo kale, oo qofka aan ixtiraameynin oo qofka aanu qiimo ugu fadhinin oo qofka aan qadarineynin, waa wax aad iyo aad looga xumaado.”

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif ayaa waalidiinta Ikraan Tahliil ugu baaqay inaanay wax mag ah ka qaadan kuwii falkaasi u gaystay gabadhooda, si aanay cid dambe ugu dhiiran falkaasi oo kale, looguna sameyn qof dambe oo Soomaali ah.

Dr. Tahliil Faarax oo ah aabaha dhalay Ikraan ayaa Sabtidii sheegay inaysan diyo qaadan doonin, isagoona yiri “Wax aan cadaalad ahayn nama deeqdo.”

Kiiska Ikraan Tahliil oo hadalhayn badan ka dhex dheliyay bulshada ayaa sidoo kale horseeday khilaafka haatan ka dhex taagan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com