Hoggaanka Midowga Musharaxiinta oo la kulmay Ra’iisal Wasaare Rooble

Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo hoggaaminayay Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisal Wasaaraha kala hadlay arrimaha doorashooyinka, maareynta kala aragti duwanaanta siyaasadeed iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

“Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaaminayay Xubnaha Midowga Musharixiinta, waxayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka, maareynta kala aragti duwanaanta siyaasadeed iyo kiiska Ikran Tahlil.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Shariif Sheekh Axmed.

Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka ayaa Ra’iisal Wasaare Rooble ku taageeray dadaalada uu cadaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com