Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa digniin ka soo saaray isku day kasta oo lagu marin habaabinayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda Ciidamada Qalabka Sida.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu faray Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda inay isaga fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumcadda ciidamada iyo kalsoonida shacabka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa si adag uga horyimid guddiga uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u xilsaaray inay baaritaan ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil, kuwaa oo min xubin ay soo kala magacaabi doonaan Taliye-yaasha Booliska, Militariga iyo Nabad Sugidda, inkastoo aanay kala caddayn qofka uu yahay Taliyaha Nabad Sugidda, maadaama Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay laba Taliye u kala magacaabeen hay’addaasi.
War uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qornaa:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com