Senator Muuse Suudi oo difaacday kursigiisa Aqalka Sare

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa difaacday xubinimadiisa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho adag oo caawa ka dhacday Magaalada Jowhar.

Doorashadan oo saddex wareeg ahayd ayaa waxaa wareeggii 2aad isugu soo baxay Senator Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaana ka tanaasulay inuu u tartamo wareegga 3aad.

Muuse Suudi iyo Axmed Daaci oo wareeggii 3aad ku tartamay waxaa uu Muuse Suudi helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu helay 42 cod, iyadoona ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Muuse Suudi ayaa ku soo baxay kursiga koobaad, sideedda kursi ee Hirshabelle ku leedahay Aqalka Sare, waana mid ka mida kuraastii la qiyaasayay in si aad ahi loogu tartami doono.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa hadda guda gelaaya doorashada kursiga 2aad, oo ay ku tartamayaan musharaxiin dhowr ah.

Doorashada Senatorada Aqalka Sare ayaa illaa Arbacada ka sii socon doonto Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com