Dr. Dufle oo doorashada Aqalka Sare ku garaacay Danjire Tarsan

Prof. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa markii labaad loo doortay inuu noqdo Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho caawa ka dhacday Magaalada Jowhar.

Kursiga uu ku soo baxay Prof. Dufle ayaa waxaa kula loolamayay musharaxiinta kala ah Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), oo ah Safiirka Somaliya ee dalka Kenya iyo Raage Xasan Cismaan (Xuuti) oo nin dhallinyaro ah.

Dr. Dufle oo la sii saadaalinayay in tartan adag kala kulmi doono Danjire Tarsan ayaa noqon, sidii la fillayay, ka dib markii uu Tarsan ku haray wareeggii 1aad ee doorashada, ayna wareegga 2aad u soo gudbeen Dr. Dufle iyo Raage Xasan Cismaan.

Dr. Dufle ayaa wareeggii 2aad ee doorashada helay 68 cod, iyadoona Xuuti uu helay 28 cod oo keliya, waana doorasho ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Dufle ayaa ku soo baxay kursiga 4aad ee 8-da kursi ee Hirshabelle ku leedahay Golaha Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com