Muxidiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir

Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Bashiir Goobe ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku soo magacaabay Muxidiin Warbac oo nin dhallinyaro ah.

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa toddobaadkii hore Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) si KMG ah ugu magacaabay xilka Taliyaha Hay’adda NISA, waana xilli Ra’iisal Wasaaruhu uu xilkaasi u magacaabay Bashiir Goobe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com