Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka cusub Midowga Yurub ee dalka, Tina Intelmann.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Somaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya, Tina Intelmann, oo ay ka wadahadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Somaliya iyo horumarrada laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka dalka, ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisal Wasaaruhu.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com