Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa saaka ku dagaalamay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka xoogiisu uu ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Kalkaal, isla-markaana uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan booliska iyo militari ka amar-qaata Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo lagu kala magacaabo Liibaan Madaxweyne iyo Faarax Xasan Xaashi.

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul ku yaala inta u dhaxeyso Hotel Jowhara iyo Isbitaal Kalkaal, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu si iskiis ah u istaagay, labada ciidana ay isku horfadhiyaan halkii lagu dagaalamay, ayna suurtagal tahay in mar kale ay wada dagaalamaan.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dagaalka uu saameeyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Isgoyska Banaadir illaa Laami Yaraha Zoobe.

Wariye-yaasha ayaa sidoo kale soo warinaya inuu jiro khasaaro nafeed oo dagaalkaasi ka dhashay, balse aan faah faahin laga hayn inta uu le’egyahay.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin xiisadda saaka ka taagan Degmada Hodan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com