Dowlad Goboleedyada oo baaq wadajira ka soo saaray xaaladda dalka

Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada ayaa xalay khadka teleefanka uga wadahadlay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa si wadajir ah u soo saaray warsaxaafadeed ka kooban toddobo qodob.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ka xun yihiin khilaafka soo noqnoqday ee Hay’adaha Federaalka, kaasi oo liddi ku ah danta qaranka, horseedi karana xasillooni darro iyo dib u dhac Dowladnimada Somaliya, xilligan kala guurka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay 21-23 bishan shir isugu imaanayaan Magaalada Garoowe, si ay kaga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa;-

  1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.
  3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.
  4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.
  5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.
  6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.
  7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com