Golaha Ammaanka oo shir albaabada u xiran yihiin ka yeelanaya xaaladda dalka

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in Jimcaha maanta ay shir albaabada u xiran yihiin ka yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka Somaliya, ka dib khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Ingiriiska ayaa codsaday in goluhu ka arrinsado khilaafka xargaha goystay, ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaarihiisa, Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo gelinka dambe qabsoomi doona ayaa la fillayaa in Xubnaha Golaha Ammaanka kaga arrinsadaan xiisadda siyaasadeed ee dalka iyo sida loo xalin karaba khilaafkan taagan.

Khilaafka Madaxda Qaranka ayaa soo ifbaxay, ka dib shaqo joojinta uu Ra’iisal Wasaaruhu ku sameeyay Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waana xilli Fahad Yaasiin aanu keenin warbixin dhameystiran oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ee lagu wargeliyay in muddo 48 saac ah uu ku keeno warbixintaas oo dhameystiran.

Rooble ayaa ku celceliyay inuu sii wadi doono dadaalada uu cadaaladda ugu raadinayo qoyska Ikraan Tahliil.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com