Korneyl Afcaddey oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare

Korneyl Axmed Maxamed Cali (Afcaddey) ayaa waxaa caawa loo doortay Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.

Doorashada oo laba wareeg ahayd ayaa wareeggii hore ku haray laba musharax, oo midkood uu tanaasulay, halka wareeggii labaad ay u soo gudbeen Korneyl Axmed Maxamed Cali iyo Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo horey kursigan ugu fadhiyay.

Doorashadan oo wax ay dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxa uu Korneyl Afcaddey wareeggii labaad uu helay 52 cod, halka Maxamed Amiin uu helay 44 cod.

Korneyl Afcaddey ayaa horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliya ee ‘Koofiya Casta’ loo yaqaano.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com