Waxaa maanta oo Sabti ah lagu waday in Xarunta Madaxtooyada ka qabsoomo shirkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka.
Afhayeenka Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in dib loo dhigay shirkaasi ee Madaxweynaha uu ku baaqay.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka ayuu ku sheegay in dib laga shaacin doono xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo Shirka Guddiga Amniga Qaranka ee dawladda Federaalka Soomaaliya.
“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo.” Ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com