Canada oo dad u soo qabtay dilka wiil Soomaali ah

Booliska dalka Canada ayaa laba nin u soo qabtay dilka wiil Soomaali ahaa, 26-kii bishii August ee sanadkii hore loogu gaystay Magaalada Winnipeg ee Xarunta Gobolka Manitoba.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Abiikar, degenaana Magaalada Toronto ayaa fasax u joogay Magaalada Winnipeg, xilligii la dilayay.

Eedeysaneyaasha oo aan Soomaali ahayn ayaa loo haystaa darajada koobaad ee dilka.

Yaasiin Abiikar Cali oo adeer u ahaa marxuumka ayaa sheegay in mid ka mida eedeysaneyaasha kol hore la soo qabtay, halka kan kalena gacanta lagu soo dhigay toddobaadkan.

Yaasiin Abiikar ayaa tilmaamay in raggan si dhow loola xiriirinayo dilka Maxamed Yuusuf, dhawaana la horkeeni doono sharciga.

Yaasiin Abiikar ayaa xusay in eedeysaneyaasha lagu soo qabtay, dadaal iyo juhdi badan oo hay’adaha ammaanku geliyeen, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Dalka Canada ayaa waxaa ku soo noqnoqday dilalka loogu gaysto dhallinyarada Soomaaliyeed, inkastoo inta badan dilalkaasi ay dhexdoodu isu gaystaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com