Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in iska horimaad uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay magaaladaasi.
Iska horimaadka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyo aan heybtooda la garanayn ay weerartay hoyga uu magaaladaasi ka degan yahay nin ganacsade ah.
Wararka ayaa sheegaya in ilaalada hoygaasi ay iska caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday.
“Habeen bar dadkoo hurdo ayay magaalada rasaas is qabsatay, meel nalaga jirana maanan garanayn, dadkii magaalada ku noollaa rasaastaasi bay ku argagaxeen.” Ayuu yiri Cabdikhani Warsame.
“Habeen bar dadkoo hurdo ayay magaalada rasaas is qabsatay, meel nalaga jirana maanan garanayn, dadkii magaalada ku noollaa rasaastaasi baa argagax-gelisay.” Ayuu yiri Cabdikhani Warsame.
Waxa kaloo uu yiri “Mar dambe oo xaaladda ay caadi ku soo laabatay ayaa nala leeyahay guriga ganacsade Kuusow Maxamed Geeddi ayaa la weeraray.”
Ganacsadahan ayaa ka mid ah ganacsatada qaadka keenta Magaalada Guriceel, mana cadda waxa uu salka ku hayo weerarka lagu qaaday hoygiisa.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya intii uu weerarkaasi socday in nin kaloo hubeysan uu rasaas ku furay Saldhigga Booliska Guriceel.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, iyadoo sidoo kalena aanay weli shaqaaqadaasi ka hadlin Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmadaba.
Iska horimaadkan ayaa ku soo aadaya, xilli xoogag u daacad ah Ahlu Sunnadii Gobolada Dhexe ay soo gaareen deegaano hoostagga Magaalada Guriceel, waana xilli dareen laga muujinayo suurtagalnimada inay soo weerari karaan magaaladaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com