Qaraxyo is xigxigay ayaa goor dambe oo xalay ahayd ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan, iyadoona uu burbur ka soo gaaray qaybo ka mida dhismaha garoonkaasi.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxyada, waxayse wararka qaar sheegayan inay yihiin kuwo horey loogu sii dhex aasay garoonkaasi iyo bambooyin kale oo kuwa gacanta laga tuuro ah, oo Shabaabku ay ku weerareen garoonkaasi.
Qaraxyadan ayaa saamayn muuqato ku yeeshay dhismaha garoonkaasi, oo muddooyinkii ugu dambeysay meel wanaagsan marayay.
Muuqaalo laga soo qaaday garoonkaasi ayaa muujinaya inay qaraxyadu burburiyeen qaybo ka mida, qaybihii cusbaa ee dhawaan la dhisay. Sidoo kale qaraxyada ayaa burburiyay gidaarka ku wareegsan xeendaabka garoonkaasi.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa laga soo xigtay inay dib ka soo faah faahin doonaan qaabka ay wax u dhaceen iyo inta uu khasaaruhu le’egyahay.
Shabaabka ayaa bishii June ee sanadkii 2020, sidaan oo kale qaraxyo ugu burburiyay qaybta nasashada ee garoonkaasi.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com