Xiisad maalintii labaad ka taagan deegaanka Xananbuure

Wararka ka imaanaya deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maalintii labaad ay deegaankaasi ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso laba maleeshiyo beeleed, oo halkaasi wada degga.

Xiisaddan ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii subaxnimadii Sabtida deegaankaasi lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Labada maleeshiyo ayaa shalay ku dagaalamay deegaankaasi, taa oo dadka deegaanka ku khasabtay in intooda badan ay isaga barakacaan guryahooda. Maleeshiyada ayaana weli isku horfadhiso deegaankaasi.

Ciidamo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo Kumaandooska Gorgor ayay xalay Galmudug u dirtay deegaankaasi, si ay u kala dhexgalaan maleeshiyadaasi, Odayaasha Dhaqankana ugu suurtagasho inay u kala dab qaadaan.

Ciidamada ayaa haatan ku sugan xero ku taalo duleedka deegaankaasi, iyadoona saacadaha soo socdo lagu wado inay gudaha u galaan deegaanka.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug, Axmed Xasan Cali (Axmed Dheere) ayaa dhinacyada ugu baaqay inay colaadda joojiyaan, isagoona xusuusiyay muhiimadda ay nabadda u leedahay dadka deegaanka, oo in muddo ah lagu howlanaa heshiisiintooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com