Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa lagu wadaa in bisha soo socoto ee October ay shaaciso go’aankeeda ku aaddan dacwadda muranka badda ee Somaliya kala dhaxeysa Kenya.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda ay xukunkeeda soo saari doonto 12-ka bisha October.
“Alxamdulillaah, waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Somaliya iyo Kenya soo saari doonto 12-ka Oktober, 2021.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed oo warkan ku sheegay bartiisa xiriirka dadweynaha.
Ma cadda in Kenya ku qanci doonto qaraarka maxkamadda iyo in kale, haddii dhageysigii ugu dambeeyay oo dhacay bartamihii bishii March ee sanadkan ay ka maqneed fadhiga maxkamadda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com