Malaysia oo isha ku hayso muwaadinkeeda lagu maxkamadeynayo Muqdisho

Dowladda Malaysia ayaa si dhow ula socoto maxkamadeynta mid ka mida muwaadiniinta, oo dhageysiga maxkamadeyntiisa ay ka socoto Magaalada Muqdisho, iyadoona loo haysto kiis Shabaabnimo.

Ahmad Mustakim Abdul Hamid oo 34 jir ah ayaa 16-kii bishan ka soo muuqday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana lagu soo oogay ka mid ahaanshaha Ururka Al Shabaab.

Ninkan ayaa lala soo qabtay muwaadin kale oo u dhashay dalka Britain, laguna magacaabo Anthony Byrness, kuwaa oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xirnaa Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Malaysia, Saifuddin Abdullah ayaa sheegay in Xukuumadda Kuala Lumpur ay isha ku hayso maxkamadeynta ninkaasi.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in Diblomaasiyiinta Safaaradda Malaysia ee Magaalada Khartoum ee dalka Sudan ay tageen qunsuliyadda, si loo hubiyo daryeelka iyo caafimaadka ninkaasi.

“Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa la socodka kiiska maxkamadeynta, waxayna siin doontaa mudnaanta koobaad, iyadoo hubinaysa in mar walba la ilaaliyo xuquuqdiisa iyo inuu helo xukun caddaalad ah oo waafaqsan sharciga.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa naloo ogolyahay inaan booqano qunsuliyadda, sidoo kale waxaan la xiriirnay qoyskiisa, si aan ugu sheegno xaaladdiisa.”

Waxa kaloo uu yiri “Waa inaan ixtiraamnaa shuruucda dalka, waxaana laga yaabaa inaan weyddiisano Wakiillada Safaaraddeena inay ka qaybgalaan dacwadiisa maxkamadeed.”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, General Cabdullaahi Buulle Kamey ayaa Garsoorka Maxkamadda ka codsaday in labadaasi nin lagu xukumo ciqaab adag, oo tusaale u noqon karto ajaaniibta argagixisada ee dooneysa in dalka uu fowdo ku sii jiro.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa Khamiistii sheegay in go’aanka maxkamadda ay dib ka soo shaacin doonaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com