Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed.
Iyadoo uu heer gebogabo marayo u diyaargarowga Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Gobolada Woqooyi (Somaliland) ayuu Ra’iisal Wasaaruhu dhinacyada kala hadlay inay gudbiyaan liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay inuu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo cadaalad ah.
Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa horaantii bishan heshiis ka gaaray khilaafkii in muddo ahba ku kala dhex jiray ee ka dhashay Doorashada Xildhibaanada Somaliland ku metela Baarlamaanka Somaliya.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com