Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Garoowe oo baaqday

Iyadoo Talaadada berrito lagu waday in Madaxda Dowlad Goboleedyada uu shir uga furmo Magaalada Garoowe ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkaasi uu baaqday.

Inkastoo aanay maamulo si rasmi ah ugu dhawaaqin dib u dhaca ku yimid shirkaasi, haddana Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegaya suurtagalnimada inuu shirka u baaqday arrimo farsamo.

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo sida uu qorshuhu ahaa lagu waday inay maanta taggaan Magaalada Garoowe ayaan weli u socdaalin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dib u dhaca shirka uu ka dambeeyay, dadaal uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku bixiyay, sidii uu shirkaasi u baaqan lahaa.

Shirkan oo ay ahayd in looga hadlo arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo khilaafka Ra’iisal Wasaaraha kala dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogayn goorta uu ka qabsoomi doono Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com