Wasiirka cusub Amniga oo ka soo muuqday kulankii Rooble & Safiirka UK

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee dalka, Kate Foster.

Kulanka ayay uga wadahadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka amniga doorashooyinka dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka UK ee Somaliya, oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka, ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisal Wasaaruhu.”

Kulanka ayaa waxaa ka soo muuqday Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sidoo kale ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilka loo magacaabay 8-dii bishan, inkastoo Madaxwene Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si adag uga horyimid magacaabidiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com