Afgembi fashilmay oo maanta ka dhacay dalka Sudan

Dowladda Sudan ayaa xaqiijisay inuu fashilmay isku day inqilaab oo maanta ka dhacay dalkaasi. Warbaahinta Qaranka Sudan ayaana baahisay warkan.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Sudan oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in  sharciga la horgayn doono dadkii ku lugta lahaa afgembigaasi dhicisoobay.

Illaa hadda ma cadda cidda ku lugta lahayd isku dayga afgembi, sidoo kale lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay isku daygaasi.

Dalka Sudan ayaa  sanada ka hor waxaa ka dhacay  afgembi looga tuuray talada dalkaasi, Madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com