Liiska mushaxiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo la soo saaray

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si wadajira u soo magacaabay musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta Senatorada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa liiska musharaxiinta u gudbiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tani ku tilmaamay guul taariikhi ah, oo laga gaaray dib-u-dhacyadii ku yimid, waxaana uu xusay in si degdeg ah loo guda geli doono doorashadooda.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ay ku socoto si habsami leh, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu garab siiyo dhammaan dhinacyada ku howlan doorashada, sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabdoon oo ku qabsoonta xilligii lagu heshiiyay.

Kuraastan oo 11 kursi ka kooban ayaa waxaa ku tartami doono afar iyo labaatan musharax, waxaana xusid mudan in kursiga 1aad loo xiray Gudoomiye Cabdi Xaashi oo keliya, oo cid kula tartamaysaa aanay jirin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com