Wasiirka Maaliyadda Somaliya oo guddoomiyay Shirka FGC (SAWIRRO)

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa muuqaalka foggaan aragga ku shir guddoomiyay Shirka Billaha ee Guddiga Maamul Wanaagga ee Maaliyadda, oo maanta looga dooday sii wadidda iyo horumarinta Maamulka Maaliyadda Dadweynaha.

“Maanta waxa aan shir gudfoomiyay kulankii billaha ahaa ee Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda (FGC), oo aan uga doodnay sii wadidda iyo horumarinta Maamulka Maaliyadda Dadweynaha.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo warkan ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay ku dhaqanka hufnaan, dowlad wanaag, isla xisaabtan iyo daahfurnaan.

“Hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda ee hadda ka socda dalkeena, waxa aan hoosta ka wada xariiqnay in ay naga go’an tahay ku dhaqanka hufnaan, Dowlad wanaag, isla xisaabtan iyo daahfurnaan.” Ayuu yiri Beyle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com