Kooxo hubeysan oo nin oday ahaa ku dilay Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay xalay magaaladaasi ku dileen nin oday ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo, waana xilli marxuumka uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha, kuna sii jeeday hoygiisa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in raggaasi ay waddada u galeen ninka odayga ah, ayna ka toogteen qaybaha kore ee jirkiisa.

Ciidamada amniga oo ku baxay goobta uu falku ka dhacay ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha, oo goobtaasi ka baxsaday ka hor intii aanay gaarin xoogaga ammaanka.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Liibaan Qaaddi ayaa ka mid ahaa Ergadii Magaalada Baydhabo ku soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka, sanadkii 2016.

Habeenkii Talaadada ayay ahayd markii laba nin oo midkood askari ahaa lagu dilay agagaarka xerada barakacayaasha Xanaano 2 ee Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com