Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka Sanadlaha ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Meertada 76aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa kaga hadlay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka dalka, xakameynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, dardargelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobey, Ilaalinta deegaanka iyo isbedelada cimilada adduunka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhameystirka geeddi-socodka doorashooyinka qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaa hadda meel gebagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor oo xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qaybgalayaan tirada ugu badan ee ka qaybgalayaasha doorashada Somaliya, tan iyo dagaaladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey dadaalada wax-ku-oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xakameynta cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Somaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo khudbaddiisa ku soo hadalqaaday dardargelinta iyo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maamul ee Qaramada Midoobey, khatarta ku gadaaman isbedelada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah dunida.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com