Diiwaangelinta musharaxiinta Aqalka Sare ee G/waqooyi oo Villa Rosa ka socota

Waxaa Magaalada Muqdisho si habsami leh uga socota diiwaangelinta musharaxiinta Aqalka Sare ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Saciid Cabdi Xuseen oo mar kale u tartamaya Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaangelinaya.

Diiwaangelinta oo ka socota Dhismaha Villa Rosa ee Caasimadda Muqdisho ayaa xubnaha kale ee is diiwaangeliyay waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe.

Afar iyo labaatan musharax oo reer Somaliland ah ayaa ku tartami doona kow iyo toban kursi, iyadoona maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka qabsoomi doonto magaalada.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markii 2aad u taagan Aqalka Sare ayaa waxaa xusid mudan in keligii loo xiray kursi aanay jirin cid kale oo kula tartami doonta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com