Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhaweyd ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho oo ah meel u dhow bar kontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Somaliya.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qaraxa, sida uu Radio Muqdisho u sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, waxaana socda gurmad ay wadaan howlwadeennada caafimaadka iyo kuwa dab-damiska.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaanku ay xireen agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay, ayna wadaan baaritaanno la xiriira qaraxyo kale oo laga cabsi qabo.

Wararku waxay intaas ku darayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad rayid ah oo ka agdhawaa goobtaa uu ka dhacay qaraxan, waloow aysan hay’adaha ammaanka iyo kuwa caafimaadku weli sheegin tiro la xiriirta waxyeellada qaraxan.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com