Fahad Yaasiin oo si qarsoodiya xilka kula wareegay

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xilka kala wareegay Cabdisiciid Muuse Cali.

Cabdisiciid Muuse Cali oo muddooyinkii ugu dambeysay xilkan ku magacawnaa ayaa waxaa 8-dii bishan loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyadoona xilligaa booskii uu baneeyay loo magacaabay Fahad Yaasiin.

Tallaabada uu xilka kula wareegay Fahad Yaasiin ayaan lala wadaagin Warbaahinta, balse Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) ayaa shaacisay inuu xilkaasi kula wareegay munaasabad ka dhacday Villa Somalia.

SONNA ayaa tebisay “Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka, Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka, Mudane Cabdisiciid Muuse Cali.

Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go’an tahay horumarinta Amniga Qaranka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com