Ra’iisal Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulan la xiriira doorashada

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay maamulka dhaqaalaha ku baxaya doorashada, xareynta ergada, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Gobolada Woqooyi, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga Farsamada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Dhismaha Villa Rosa ee Magaalada Muqdisho ay ka socoto diiwaangelinta musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Maalmaha ina soo aaddan ayaa lagu wadaa in Caasimadda Muqdisho lagu qabto Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com