Rooble oo Talisyada Booliska kala hadlay amniga Doorashada Gobolada Waqooyi

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Taliska Booliska AMISOM iyo Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhinacyadan kala hadlay fududeynta iyo amniga Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, oo maalmaha ina soo aaddan lagu wado in lagu qabto Caasimadda Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka ayaa magaalada ka wada diiwaangelinta ay ku sameynayaan musharaxiinta u taagan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com