Axmed Madoobe “Waxaa jira cadow guud oo Shabaab la yiraahdo”

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland oo maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka hadlay dhowr qodob.

Madaxweynaha ayaa mintidiinta Al Shabaab ku tilmaamay cadow guud oo maanta ay Soomaali leedahay, kuwaa oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa muujiyay, iyadoo maanta ay Soomaali ka badan tahay maleeshiyada Shabaabka, haddana la dagaalankooda uu noqday caqabad weli taagan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladaha siyaasadda ay saamayn ku leeyihiin amniga iyo deganaanshaha dalka.

“Jubbaland markaan ka hadalno, sidaanu la socono waxaa jira cadow guud oo mar walba jira oo Shabaab la yiraahdo, oo maanta kala wiiqay Soomaali, caqabadna isagu ku ah, kaasi wuxuu noqday xubinta koobaad ee caqabadda ah, marka dhabta la yiraahdana aan la’nahay meel loola ciirsado, iyadoo dadkiina aynu hayno, mooralkiina la hayo, haddana in wada shaqayntii iyo dagaalka Shabaabku culeys badan uu galay. Taa ka sokow xaaladaha siyaasadduna ay mar walba saamayn ku yeeshaan amniga iyo deganaanshaha dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com