Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Ingiriiska (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada qofka iyo codka ay Puntland markii ugu horeysay ka hirgelinayso deegaanadeeda, xaaladda COVID-19 iyo xal u helidda xiisadda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Kate Foster ayaa la wadaagtay Madaxweynaha hambalyo ku aaddan hirgelinta nidaamka dimoqraadiyadda Puntland, waxayna muujisay in doorashadda hal qof iyo hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Somaliya inteeda kale.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada & Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com