Rooble oo maanta ka hadlay arrimo kala duwan

Ra’lisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad u jeediyay murrashaxiinta iyo ergada dooraneysa Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland, ayaa ergada kula dardaarmay in ay si caddaalad ah wax u doortaan.

Ra’iisal Wasaraha ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada dalka inay soo dhameystiraan xubnaha ka dhimay Senatorada Aqalka Sare, si loo doorto guddoonka.

Khudbaddiisa ayuu Ra’iisal Wasaare Rooble uga hadlay qodobo kale oo la xiriira amniga, xaaladda siyaasadeed ee dalka yo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay inay caddaalad heli doonto gabadhaasi.

Rooble oo soo hadalqaaday kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee madaxda dalka ayaa sheegay inaysan jirin wax weyn oo leesku hayo, isagoo bulshada ugu baaqay inay ku dadaalaan xasilloonida dalka, si aanay uga faa’iideysan Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com